Home WARARKA MAANTA Maxay tahay taariikhda uu xalay sameeyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan?

Maxay tahay taariikhda uu xalay sameeyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan?

3
0

Khamiiis 13 Aog 2026 {CBB}Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa xalay dhigay rikoor cusub oo dhinaca ciyaaraha ah, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan u dhalan Yurub, kaasi oo dhexdhexaadiya ciyaar kama dambaysta aheyd ee UEFA Super Cup.

Ciyaartan oo dhex martay kooxaha PSG oo haysata horyaalnimada Champions League  iyo Aston Villa oo ku soo guuleysatay UEFA Europa League, ayuu Cumar u maamulay si ay ku jirto Xirfad iyo Degannaan.

Natiijada Ciyaarta Kulanka ayaa kusoo dhammaaday 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda PSG. Labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar ku dhisan weerar iyo difaac isugu jirta, balse garsoore Cumar Cartan ayaa si weyn loogu ammaanay sida uu u maareeyay cadaadiska ciyaarta, go’aannadiisii dhex-dhexaadnimadii uu muujiyay.

Ciyaarta ayaa waxaa ka qeyb galay taageerayaal badan, iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen Madax uu kamid yahay Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame.

Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa madaxda sare ee xiriirka kubadda cagta Yurub UEFA iyo marti sharaf kale oo caalami ah.

Garsoore Cartan ayaa helay taageero caalami ah, ka dib markii bishii June ee sannadkan uu Mareykanka, diiday inuu gudaha u galo wadankaasi, si uu u dhexdhexaadiyo kulamada Koobka Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here