Home WARARKA MAANTA WASIIR SATE OO GUDDOOMIYE CUSUB U MAGACAABAY DEGMADA BAYDHABO

WASIIR SATE OO GUDDOOMIYE CUSUB U MAGACAABAY DEGMADA BAYDHABO

1
0

Arbaco 12 Aog 2026 {CBB}Baydhabo, 12 Agoosto 2026: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate), ayaa Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna Duqa Magaalada Baydhabo.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka degmada, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta howlaha dowladda hoose.

Wasiir Sate ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, isagoo mudnaanta siinaya adeegyada bulshada, horumarinta magaalada iyo wada shaqeynta bulshada.

Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay ayaa xilkan kala wareegaya maamulka hore, isagoo ballanqaaday inuu si wanaagsan u gudan doono masuuliyadda loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here