Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb

3
0

Khamiiis 13 Aog 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isagoo u sii gudbi doona deegaanno kale oo ka tirsan Maamulkaasi.

Sida qorshaha yahay, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu tababar u soo xiro Cutubyo ka tirsan Militeriga Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugan deegaan Xananbuure.

Wafdi horudhac u ah Madaxweynaha ayaa gaarey magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ku jiraan saraakiil ciidan sida Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Danab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo ciidamadan oo loo diyaariyay in ay xoojiyaan dagaalka AS iyo Xasilinta deegaannada ay dowladda maamusho.

Bilihii la soo dhaafay Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ku dadaaleysay in ay dhisto awoodda Ciidamada Qalabka Sida si ay ula wareegaan Mas’uuliyadda Amni ee dalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa billaabey in ay wareejiyaan saldhigyadii ciidan ee ay kaga sugnaayeen dalka, maadama howlgalka uu ku jiro xilli kala guur ah iyo dhaqaale la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here