Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh “Soomaali is dilayso ma jirayso, Ninkii qori soo qaata...

MW Xasan Sheekh “Soomaali is dilayso ma jirayso, Ninkii qori soo qaata ee raba in uu dadka dilo waa lala diriraa”

1
0

Arbaco 19 Aug 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hubka iyo qorshaha xakamayntiisa, waxaana uu xusay in aanay la aqbali kari hub ku jira gacan ka baxsan Dowladda oo Magaalooyinka lagu dhex haysan karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Askari Dowladeed oo keliya uu hubka haysan karo, waxaana uu tilmaamay in ay imaan doonto maalin ay Dowladdu gacanteeda gaari doonto dadkaas lagana soo qaadi doonno.

Waxa uu sheegay in aysan Dowladdu haysan dadka hubkooda ku haysta guryahooda, waxaana uu bogaadiyay nabadgalyada jirta isaga oo intaas ku daray in ay jiraan mas’uuliyiin Dowladda katirsan oo weli laga dhaadhicin la’ yahay in Magaaladu nabad tahay.

“Shabaab waan dilaynaa oo waan is dirirsanahay, ISIS waan la dagaalamaynaa, Ninkii qori usoo qaata ee raba in uu dadka dilo waan la diririnaynaa, Qofka fikirkiisa xor ayuu u yahay 100% oo Dastuurka ayaa tilmaamayo laakiin qoryo hala isku soo qaato meel ay ku qoran tahay ma lahan, ilaa hadda Rag Dowladda katirsan ayaa laga dhaadhicin la’ yahay baladku waa Amni” MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka Doorashada waxa uu sheegay in Dowladdu ay dedaal badan gelisay qabsoomidda Doorashooyinka Dadweyne oo ah mid dastuuri ah, waxaana uu carrabka ku dhuftay in Shacabku og yihiin tan faa’iida u ah marka la is dhinac dhigo Doorashooyinka Dadban iyo kuwa tooska ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay ka samaysan yihiin in ay helaan Xorriyad Doorasho, waad ogtihiin waxa ka dhashay Doorasho Dadban, marka la eego Doorashooyinkii dhacay xitaa kama dhicin in ay dadku is dhahaan iga siko iyo iga hor leexo” Ayuu yiri MW Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu bannaanka soo dhigay hannaanka doorasho ee Dowladdu rabto in ay dalka ka dhacdo iyo tan Mucaaradku doonayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mucaaradka ay doonayaan doorashooyin dadban balse la badinayo goobaha lagu qabanayo halka Dowladda ay doonayso mid dadweyne maadaama dadku diiwaangashan yihiin.

“Is diiwaangelin aan kaar wadan in la dhaho doorasho ayaa lagu galaa xoogaa waxa aan is leeyahay meeshaas waxbaa ka qaldan, qofkii raba doorasho Dadka hadda codeeyay iyo kuwa codaynaya way diiwaangashan yihiin” MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here