Sabtii 16, Nov 2024 {CBB}Kulan wadajir ah oo maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Labada Aqal Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay hindishaha xeerka dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha.
133 Mudane oo isugu jirtay Golaha Shacabka & Aqalka Sare ayaa ogol ugu codeeyay Hindisahaan oo aasaas u ah Doorashooyinka Dadweyne ee la filayo in ay dalka ka dhacdo, ma jirin Mudane diiday ama ka aamusay sida uu sheegay shir guddoonka kulanka.
Mudaneyaasha labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aqbalay soo jeedintii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahayd in bil kamid ah fasaxooda ku daraan shaqada ay hayaan si loo meelmariyo howlaha muhiimka u ah Doorashooyinka qof iyo codka ah.
Hindise sharciyeedyada ugu badan ee loo gudbinayo Baarlamaanka waxa ay intooda badan la xiriiraan Doorashooyinka sida xeerarka loogu talagalay in lagu hayo, Nidaamka dhismaha ama furashada Xisbiyada, Ururrada iyo habraacyada kale ee loo baahan yahay.