Home WARARKA MAANTA MW JFS “Marxuum Siilaanyo waxa uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka...

MW JFS “Marxuum Siilaanyo waxa uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada DF & Somaliland”

14
0

Sabtii 16, Nov 2024 {CBB}Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynihii 4aad ee Mamaulka Somaliland AUN Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi udub dhexaad u noqday wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Maamulkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Marxuum Siilaanyo ay ka go’nayd in wadahadalka la isku fahmo isla markaana uu diiradda saaray midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada DFS iyo Somaliland” Ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, waxaa geerida Axmed Siilaanyo ka tacsiyeeyay Madax kala duwan oo Dowladda Federaalka ka tirsan sida Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoonka Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale oo xilal kala duwan Dalka kasoo qabtay.

Waxaa lagu wadaa in la magacaabo guddiga qaban-qaabada aaska loo sameynayo Marxuum Axmed Siilaanyo, waxaana hoygii uu ka degenaa Magaalada Hargeysa buux-dhaafiyay Dad isugu jira Mas’uuliyiin, Ehelkiisa iyo kuwo ay Asaxaab ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here