Khamiis 20 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Isbitaalada la dhigay ku booqday qaar ka mid ah halyeeyadii ciidamada ee ku dhaawacmay weerarkii ay Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen Magaalada Baydhabo.
Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalada xaaladda caafimaad ee ciidamada, isagoo u kuurgalay xaaladdooda iyo daryeelka caafimaad ee ay helayaan ciidamada usoo dhaawacmay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ciidamada ku ammaanay geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay u muujiyeen difaaca shacabka iyo sugidda amniga Magaalada Baydhabo.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay ciidamada dhaawaca ah caafimaad degdeg ah iyo in uu u fududeeyo soo kabashadooda, isagoo adkeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay garab taagan tahay ciidamada naftooda u huraya amniga iyo nabadda dalka.
Booqashada Hogaamiyaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.







