Home WARARKA MAANTA Dalal & Ururro kala duwan oo kahor yimid Dhul ballaarsiga Israa’iil ay...

Dalal & Ururro kala duwan oo kahor yimid Dhul ballaarsiga Israa’iil ay ka waddo Daanta Galbeed

1
0

Jimco  21 2026 {CBB}War kasoo baxay Dalal kala duwan iyo Ururro caalami ah ayaa si isku mowqif ah looga soo wada jaystay dhul ballaarsiga Israa’iil ay ka waddo Daanta Galbeed ee Dhulka Falastiin iyada oo dib u dhis ku wada Dhulkaas si ay xoog ugu qaadato.

Dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Canada, Masar, Malaysia iyo kuwo kale ayaa qorshaha damaca Israa’iil ee dhul ballaarsiga ah si toos ah uga hor yimid iyaga oo digniin u diray Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda, Benjamin Netanyahu.

Qaramada Midoobay iyo Ururro kale oo Caalami ah ayaa si toos ah uga hor yimid tallaabada Israa’iil ee dhul-boobka ah, waxaana ay xaqiijiyeen in dhulkaas ay Yuhuudda xooggayso u aqoonsan tahay Falastiin sida ay ku xuseen bayaankooda.

Ciidanka Israa’iil ayaa si awood sheegasho ah u dumiyay guryo ku yaalla Daanta Galbeed iyaga oo dumiyay dhismo ay deggenaayeen Shacab Falastiiniyiin ah, qaarkood waxaa laga soo duubay muuqaallo lasoo geliyay Baraha Bulshada oo caddayn u ah dhul-ballaarsiga Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here