Home WARARKA MAANTA Turkiga oo Soomaaliya u tababarayo Aqoonyahannada ka shaqayneysa Shidaalka Dalka

Turkiga oo Soomaaliya u tababarayo Aqoonyahannada ka shaqayneysa Shidaalka Dalka

1
0

Jimco  21 2026 {CBB}Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaraysa Aqoonyahannada ka shaqeyneysa Shidaalka Dalka sida uu sheegay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay xiriirka Labada Dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya iyada oo heli karta in dhaqaale badan ay ka hesho Turkiga ay ka door bidday in loo tababaro kaadiriin ka shaqaysa arrimaha shidaalka Dalka.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in dhaqaale badan oo la siiyo Soomaaliya ay ka faa’iido badan tahay in khubarradii maamuli lahayd Shidaalkeeda waqti la geliyo oo loo tababaro si faa’iidooyin dhinacyo badan ah loo helo.

“Turkiga keliya Shidaal nooma qodaayo ee waxa uu inoo tababarayaa Khubarradii Mustaqbalka Maamuli lahayd Shidaalka, anaga oo heli karna in dhaqaale badan aan ka helno Turkiga ayaa ka dooranay in naloo tababaro Kaadiriintii maamuli lahayd” Sidaasi waxaa yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Bilaha ka dhimman sannadkaan waxaa Dowladda Turkiga looga sugayaa in ay soosaarto jawaab la xiriirta natiijada shidaalka ay horay u sahmisay kuna dhaqaaqday in ay bannaanka keento sida ay xuseen mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here