Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomiyey Shirka amniga koonfur galbeed

Sawiro;-Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomiyey Shirka amniga koonfur galbeed

3
0

Axad 23 2026 {CBB} Baydhabo – 23 Agoosto 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta guddoomiyey shirka amniga  Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaanada Koonfur Galbeed iyo xoojinta dadaallada lagu sugayo nabadgelyada shacabka.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga iyo ka hortagga weerarrada iyo falalka argagixiso ee Khawaarijta Al-Shabaab ay ku beegsadaan shacabka iyo goobaha muhiimka ah.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa hay’adaha amniga faray in ay laba-jibaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nafta, hantida iyo nabadgelyada shacabka, isaga oo sidoo kale ku boorriyey bulshada in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ka hortagga falalka amni-darrada.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada ammaanka ay yeeshaan feejignaan dheeraad ah iyo diyaar-garow joogto ah, si looga hortago qorshe kasta oo lagu waxyeelleynayo shacabka iyo amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Madaxtooyada, saraakiisha hay’adaha amniga, Guddoomiyaha Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, kuwaas oo warbixinno iyo talooyin ka bixiyey xaaladda amni iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo nabadgelyada.

Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyey in la dardargeliyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, lana xoojiyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here