Home WARARKA CAALAMKA Caasimadda Liibiya & Galbeedka Dalkaas oo koronto la’aan ka jirto

Caasimadda Liibiya & Galbeedka Dalkaas oo koronto la’aan ka jirto

2
0

Isniin 31 Aug 2026 {CBB}Magaalada Tripoli oo ah Caasimadda Liibiya iyo qaybo badan oo kamid ah Galbeedka Dalkaas waxaa ka jirta xaalad koronto la’aan ah oo xitaa saamaysay howlaha shaqo ee Dowladda iyo adeegyada kale ee Bulshada sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Koronto la’aantaan waxa ay timid kaddib markii maalmo kahor la maqlay qarax xooggan oo ka dhacay xarun isku xirta saddexda dhinac ee korontada dalkaas laga helo, kaddib waxaa billowday howlgal lagu baarayo inkasta oo aanay jirin faahfaahin arrintaas laga soo saaray.

Magaalooyinka qaar ee Galbeedka Liibiya waxa ay waqtiyo kooban helaan koron aan awood badan lahayn oo xitaa iska tagayo marka ay daqiiqado joogto, waxa ay taasi sababtay cabashada Dadweynaha iyaga oo dhaleeceeyay shirkadda gacanta ku haysa adeeggaas.

Garoonka Diyaaradaha ee Mitiga International Airport ee Tripoli oo maalintii martigeliya duullimaadyo kala duwan oo gudaha iyo bannaanka ah ayaa laga dareemay koronto la’aantaas, waxaana dadku ay adeegsanayaan teleefannadooda maadaama uu mugdi ka jiro.

Liibiya waxa ay safka hore uga jirtaa Dalalka Afrika ugu fiican dhinaca Korontada, dalkaan soosaarta Shidaalkiisa ayay tani caqabad ku noqon doontaa maadaama maalmo ay ku xalin la’ yihiin cilladda ka haysata Koronto joogta ah oo la isku halayn karo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here