Isniin 31 Aug 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray Dalka Serbia, kaddib markii lagu casuumay ka qaybgalka 65 guurada kasoo wareegtay shirkii ugu horreeyay ee dhaqdhaqaaqa Dalalka aan Isbahaysiga ahayn.
Shirkaan waxaa ku casuumay 4 Madaxweyne iyo 3 Ra’iisul Wasaare oo ka kala socda Dalalka Saaxiibada la ah Serbia, kulankaan ayaa qabsoomaya berri oo ah 1da September 2026 sida ay ku warrantay Xukuumadda Belgrade.
Kulamo gaar gaar ah ayay madaxdu yeelanayaan kahor inta uusan shirkaas furmin, waxaana martida mid mid ay ula kulmayaan madaxda sare ee dalkaas sida ay sheegayaan xogaha laga helayo magaalada Belgrade ee Caasimadda Serbia.
Maxaa ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Serbia?
Serbia waa dal dhaca Bartamaha iyo Koofur-Bari Yurub, halka Soomaaliya ay dhacdo Geeska Afrika, Muqdisho iyo Belgrade ayaa sanadihii u dambeeyay xoojiyay iskaashigooda iyaga oo is dhaafsaday Safiirro ka kala shaqeysa danaha labada Dowlad.
Xukuumadda Belgrade waxa ay dhiggeeda Muqdisho u tababartay Ciidanka gaarka ah ee Madaxda qaranka & Madaxtooyada taasi oo sii xoojisay qorshihii Madaxda Dowladdu uga maarmayn ciidankii Shisheeye ee ilaalin jiray.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga ayaa marar kala duwan tagay Serbia halkaas oo ay heshiisyo kula soo galeen dhiggooda iyaga oo booqday goobaha farsamada hubka iyo Gaadiidka ciidanka.
Waxaa jira heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Serbia oo dhinaca difaaca ah iyo sare u qaadista ciidamada si gaar ah kuwa ilaaliya Madaxda Qaranka, waxaana socda dedaallo kale oo lagu xoojinayo iskaashigooda sida ay ku warrameen ilo kala duwan.







