Isniin 31 Aug 2026 {CBB}Baydhabo, 31 Agoosto 2026: Maamulka Degmada Baydhabo ayaa si buuxda u taageeray go’aankii iyo bayaankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada DowladdaGobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo looga hadlay xoojinta amniga, ilaalinta xasilloonida iyo ka hortagga falalka khatar gelin kara nabadgelyada shacabka.
Go’aanka Golaha Wasiirrada ayaa ka soo baxay shir aan caadi ahayn oo uu guddoomiyey Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaas oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay), ayaa sheegay in Maamulka Degmadu uu si buuxda u garab taagan yahay go’aannada lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta shacabka.
Duqa Magaalada ayaa ugu baaqay bulshada Baydhabo inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana qeyb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida magaalada.
Mudane Ibraahim Maxamed Nuur ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago kooxaha iyo falalka khatarta ku ah amniga iyo nabadda bulshada.
Wuxuu bulshada ka codsaday inay muujiyaan isku-duubni, feejignaan iyo iskaashi dhex mara shacabka iyo hay’adaha dowladda, si looga hortago fal kasta oo wax u dhimaya amniga iyo xasilloonida Degmada Baydhabo.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bay, saraakiisha Booliiska Degmada Baydhabo, hooyooyin ka kala socday xaafadaha magaalada, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin kale.
Ka qeybgalayaasha ayaa si weyn uga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga, wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada, iyo in shacabka ay door muuqda ka qaataan ilaalinta nabadda.
Masuuliyiintii iyo bulshada ka qeybgalay kulanka ayaa muujiyey taageeradooda ku aaddan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, iyagoo ballanqaaday inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta, wacyigelinta bulshada iyo ka qeybqaadashada sugidda nabadgelyada.
Maamulka Degmada Baydhabo ayaa ugu dambeyn bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida magaalada, kana fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin iyo wax kasta oo keeni kara kala-qaybsanaan iyo qalqal amni.
Maamulka Degmada Baydhabo ayaa sheegay in wada-shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga ay tahay furaha lagu ilaalin karo nabadda, xasilloonida iyo badbaadada bulshada.








