Home WARARKA CAALAMKA Qaramada Midoobay oo u codaysay Qariirad cusub oo Afrika leedahay

Qaramada Midoobay oo u codaysay Qariirad cusub oo Afrika leedahay

8
0

Sabtii , September 5, 2026 {CBB}Golaha loo dhaqan yahay Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qariiradda cusub ee Afrika kaddib markii dalal kamid ah qaaraddaan ay gudbiyeen soo jeedin ay garab istaaag uga heleen dhinacyo kala duwan si cabirkooda loo saxo.

Dalka Togo ayaa u xusul duubay sidii dib loo sixi lahaa cabirka qaaradda Afrika oo ugu dambayn dooddaas ay  noqotay mid ka tallaabtay xuduudda ayaa heshay codaynta 164 Dal waxaana keliya diiday Maraykanka halka ay ka aamuseen kuwo kale.

Khariiradda codaynta heshay ayaa ballaarisay Qariiradda Afrika taasi oo markii hore la dhinac ahayd Jasiiradda uu Maraykanka doonayo ee Greenland oo in ka badan toban laab ay ka weyn tahay qaaraddaan sida lagu caddeeyay qaraarka Qaramada Midoobay loo gudbiyay.

Mercator oo laga guuray waxaa la sameeyay 1569 waxaana ka dambeeyay in sidaas laga dhigo Dalalkii Gumaysanayay Qaaraddaan ee kala qaybiyay ayaa sidaasi ka dhigay iyada oo 2026 wixii ka dambeeya si rasmi ah loo dhigi doonno baaxadda weyn ee Afrika.

Dib u hagaajinta qariirad ee Afrika ay gashay ayaa noqon doonta mid lagu xusuusan doonno Togo oo sannadkii 2018kii soo jeedintaan u kaba-qaadatay iyada oo ugu dambayn maanta ka dhex muuqata Afrika iyo dunida inteeda kale.

Dowladaha, Iskuullada, Hay’adaha, Shirkadaha iyo Teknoolajiyadda isticmaallo waxaa isbaddel lagu samaynayaa qariiradda sugan ee Afrikadii yarayd ee laga guuray ku jirtay iyada oo lasoo bandhigay maabka cusub iyo sida uu noqon doonno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here