Sabtii , September 5, 2026 {CBB}Baydhabo: Wakiillo ka kala socday hay’adaha samafalka iyo kuwa ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada ayaa ka digay in dagaallada kusoo noqnoqday magaalada Baydhabo ay sababi karaan barakac cusub oo saameeya shacabka ku nool magaalada.
Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha bani’aadannimada ayaa sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ee Baydhabo ka dhacay ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo cabsi soo wajahday dadka rayidka ah, kuwaas oo ay sheegeen in ay si toos ah u saameeyeen colaadaha.
Hay’adaha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay sii xoogaysiga colaadaha iyo caga-juglaynta la xiriirta loollanka siyaasadeed ee ka jira magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxay tilmaameen in ay jiraan qoysas horey uga barakacay magaalada, hase yeeshee aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada qoysaskaasi, goobaha ay u barakaceen iyo xaaladda bani’aadannimo ee ay ku sugan yihiin.
Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in tirakoob iyo qiimeyn lagu sameynayo xaaladda dadka barakacay, si loo ogaado baahiyaha jira iyo taageerada bani’aadannimo ee loo baahan yahay.
Dhanka kale, Taliska Booliiska Magaalada Baydhabo ayaa horay u sheegay in qaar ka mid ah qoysaska ka barakacay magaalada ay yihiin qoysas uu Taliska ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, gaar ahaan xubno uu sheegay inay raaceen siyaasiga Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, isagoo ku eedeeyay inay ku milmeen kooxda Al-Shabaab.
Eedeymahaasi ayaa qeyb ka ah xaaladda siyaasadeed iyo amni ee cakiran ee ka taagan magaalada Baydhabo, iyadoo hay’adaha samafalku ku baaqayaan in la yareeyo colaadaha iyo wax kasta oo sababi kara in shacabka rayidka ah ay wajahaan barakac hor leh.







