Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiirka Amniga Koonfur galbeed oo kulan la qaatay Madax ka tirsan Hay’adda...

Sawiro;-Wasiirka Amniga Koonfur galbeed oo kulan la qaatay Madax ka tirsan Hay’adda Iom.

7
0

Talaado, 8, Sept 2026 {CBB}Baydhabo: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isack Mohamed Isack (Korsaar), oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM, oo ay hoggaaminaysay Marwo Hannah Mary, Ku-xigeenka Madaxa Mashaariicda IOM ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xasilinta deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga  Koonfur Galbeed iyo Hay’adda IOM, loona dardargelin lahaa dadaallada ku aaddan xasilinta, nabadaynta iyo taageerada bulshada ku nool deegaanada u baahan xasillooni iyo adeegyo aasaasi ah.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay mudnaanta la siinayo qorshayaasha xasilinta, isku-duwidda dadaallada dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah, taageerada bulshada, iyo kobcinta wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo kuwa xasilinta.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla eegay sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha xasilinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo in la helo iskaashi mideysan oo wax ku ool ah, kaas oo horseeda xasillooni waarta, nabad iyo horumar loo dhan yahay.

Mas’uuliyiinta Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey Hay’adda IOM taageerada joogtada ah iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqaynta iyo isku-duwidda hay’adaha, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo ku aaddan xasilinta iyo horumarinta bulshada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo bah-wadaagta caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilinta, nabadaynta iyo taageerada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here