Talaado, 8, Sept 2026 {CBB}Baydhaba – 8 September 2026: Guddoomiyaha Degmada Baydhaba ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalay), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Baydhaba, gaar ahaan kuwa wax ka tari kara adeegyada bulshada iyo horumarka guud ee degmada.
Guddoomiyaha Degmada Baydhaba ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysa maamulka degmada iyo hay’adaha taageera horumarinta, isagoo uga mahadceliyay UNOPS taageerada ay ka geysato hirgelinta mashaariicda horumarineed ee degmada.
Masuuliyiinta UNOPS iyo Maamulka Degmada Baydhaba ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda hadda socda, loona hubin lahaa in ay si wax-ku-ool ah uga jawaabaan baahiyaha bulshada.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga mustaqbalka, si loo hirgeliyo mashaariic horumarineed oo gacan ka geysta horumarinta adeegyada bulshada iyo bilicda magaalada Baydhaba.








