Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Ciidanka Booliska birmadka Koonfur galbeed oo Howlgallo amni ka sameeyey Deegaanno hoos...

Sawiro;-Ciidanka Booliska birmadka Koonfur galbeed oo Howlgallo amni ka sameeyey Deegaanno hoos yimaada Baydhabo

7
0

Talaado, 8, Sept 2026 {CBB}Baydhabo – 8 September 2026: Ciidanka Booliska Birmadka Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu xoojinayo amniga guud ka sameeyey tuulooyin iyo deegaanno hoos yimaada magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Howlgallada waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Birmadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo ciidamada ku hoggaamiyey kormeerro iyo howlgallo amni oo looga gol leeyahay xoojinta nabadgelyada iyo sugidda amniga shacabka ku nool deegaannadaasi.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa si gaar ah u hubiyey xaaladda amni ee tuulooyinka iyo waddooyinka isku xira deegaannada hoos yimaada Baydhabo, iyagoo sidoo kale la socday dhaq-dhaqaaqyada amni ee ka jira deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Birmadka ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga, ilaalinta shacabka iyo hantidooda, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada deegaanka.

Ciidamada ayaa sidoo kale xoogga saaray ka hortagga falalka wax u dhimaya amniga iyo xasilloonida deegaannada hoos yimaada magaalada Baydhabo.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshaha Ciidanka Booliska Birmadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga guud, sugidda nabadgelyada iyo badqabka shacabka ku nool Gobolka Bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here