Baydhabo – 9 Sebtembar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga qeybgalay munaasabadda dib-u-daahfurka Qorshaha Isbeddelka Dowladda Koonfur Galbeed ee dib loo eegay (STP 2026–2031), isaga oo sidoo kale si rasmi ah u saxiixay qorshaha.
Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed 2026–2031 ayaa qeexaya jihada iyo mudnaanta dowladda ee shanta sano ee soo socota, iyadoo diiradda lagu saarayo horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in Qorshaha Isbeddelka 2026–2031 uu yahay hannaan muhiim u ah xaqiijinta himilooyinka Dowladda Koonfur Galbeed, isla markaana uu saldhig u noqon doono qorshe horumarineed oo waara oo ka jawaaba baahiyaha dhabta ah ee shacabka.
Hoggaamiyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha horumarineed lagu saleeyo baahiyaha bulshada, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed, bulshada rayidka ah, hay’adaha Qaramada Midoobay, bah-wadaagta horumarinta iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso hirgelinta qorshaha.
STP 2026–2031 ayaa mudnaan siinaya xoojinta hay’adaha dowladda iyo maamul-wanaagga, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, kobcinta fursadaha dhaqaale iyo shaqo-abuurka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta adkeysiga bulshada si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo iyo kuwa ka dhasha isbeddelka cimilada.
Munaasabadda ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Koonfur Galbeed, waxaana ka qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno, Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiyaha Gobolka Bay, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, la-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda si rasmi ah ugu saxiixay Qorshaha Isbeddelka Dowladda Koonfur Galbeed 2026–2031, taas oo muujinaysa sida ay Dowladda uga go’an tahay hirgelinta qorshe mideysan oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, dhaqaalaha, hay’adaha dowladda iyo guud ahaan nolosha shacabka Koonfur Galbeed.
Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed 2026–2031 ayaa noqonaya hannaan istiraatiiji ah oo hagaya mudnaanta horumarineed ee Dowladda shanta sano ee soo socota, iyadoo la doonayo in la gaaro horumar waara, adeegyo tayo leh iyo maamul wax-ku-ool ah oo si toos ah uga jawaaba baahiyaha shacabka.








