Khamis, 10, Sept 2026 {CBB}Dowladda Sweden ayaa hirgalineysa siyaasad cusub oo lagu yareynayo Muhaajiriinta ku sugan dalkaasi ee ka kala yimid wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.
Sweden ayaa u ballanqaaday dhaqaale gaaraya 27 kun oo Pound ( $37, 000) qofkasta oo Muhaajir ah, kaasi oo doonaya inuu si iskiis ah isaga baxo wadankaasi.
Qorshahan oo dowladda isbahaysigeedu hirgeliyay tan iyo bilowgii 2026-ka ayaa qeyb ka ah siyaasadda lagu dhimayo Muhaajiriinta.
Sweden ayaa sannadkii 2015 qaabishay ku dhowaad 163,000 qof oo magangalyo-doon ah, taas oo ka dhigtay mid kamid ah dalalka Yurub ee dadka ugu badan qaabilay marka loo eego tirada dadka dalka ku nool.
Hase yeeshee, tirada magangalyo-doonka ah ayaa hoos u dhacday ku dhowaad 96 boqolkiiba marka la gaaray 2025.
Xisbiga Sweden Democrats oo ah xisbi midig-fog ah, kana baxsan dowladda balse taageera xukuumadda baarlamaanka, ayaa si weyn u taageeray qorshahan.
Bishii July ayuu xisbigu xitaa basaska Stockholm ku dhejiyay xayeysiis si gaar ah loogu beegsanayo Soomaalida, kaas oo lagu qoray: “Ma u xiistay Muqdisho? Lacagta dib-u-guurista ayaa kaa caawinaysa inaad guriga ku laabato.”
Dowladda Sweden ayaa sheegtay in qorshahan loo qoondeeyay miisaaniyad dhan 1.3 bilyan oo koron Swedish ah, oo ku dhow 100 milyan oo Pound, iyadoo macluumaadka ku saabsan barnaamijka lagu baahiyay bogagga dowladda oo lagu qoray luqado kala duwan.
Si kastaba, qorshahan ayaan weli helin dad badan oo ka faa’iideysta. Ilaa hadda sanadkan, 171 qof oo keliya ayaa qaatay lacagta loogu talagalay inay dalka uga baxaan.







