Home WARARKA CAALAMKA Hay’adda NISA oo sheegtay in duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka fulisay...

Hay’adda NISA oo sheegtay in duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka fulisay gobolka Shabeellada Dhexe

5
0

Khamis, 10, Sept 2026 {CBB}Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu shaaciyay in duqeymahan lala beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan AS.

Sidoo kale, Bayaanka NISA ayaa lagu xusay in howlgalkan ay Soomaaliya ku caawiyeen Saaxiibada Caalamiga ah.

Dowladda ma shaacin tirada khasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeyntan oo dadka deegaanka sheegeen in ay cusleyd.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaanno ka tirsan Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah ee kaalmeeya dalka sida Turkiga iyo Mareykanka oo si joogta ah u fuliya Duqeymo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here