Khamis, 10, Sept 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in ay billaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Kooxaha Burcad-badeeda oo bilihii la soo dhaafay kordhay.
Deni oo dadweyne kula hadlay degmada Xaafuun ayaa sheegay in aysan marna raalli ka noqon doonin Burcad-badeed afduubta Maraakiibta mareysa Xeebaha dowlad goboleedkaasi.
“Burcad-badeeda waxaan ula dagaalameynaa sida Daacish, si loo ilaaliyo Sumcadda dalka, sidoo kale lama ogola Maraakiibta sameeya Kalluumeysiga Sharci-darrada” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Hadalka Deni ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Turkiga ay si xoog ah degmada Eyl kaga soo furteen Markabka MV Lutuf oo ay afduubteen Kooxaha Burcad-badeeda.







