Isniin 14, Sab 2026 {CBB}–Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Ciidamadiida Badda ay si buuxda gacanta ugu hayaan maamulka Marinka Hormuz oo horay u sheegtay, waxaana uu ku goodiyay in uu ku howlan yahay howlgallo lagu gudbinayo Maraakiibta halkaas ku xayiran.
Daqiiqado kaddib sheegashada Donald Trrump waxaa jawaab soo tuuray ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan oo beeniyay warka Madaxweynaha Maraykanka, waxa ay hor dhigeen haddii sheegashadiisu ay tahay mid run ah uu usoo dhaweeyo maraakiibtiisa dagaalka.
Sarkaalkaan waxa uu dalbaday in 100 Kiilo-Mitir xitaa uu Madaxweyne Trump usoo jirsiiyo Maraakiibta Maraykanka haddii ay gubi waayaan dhankoodana ay xaqiiqo noqon doonto sheegashada Donald Trump sida uu hadalka u dhigay.
Horay Maamulka Donald Trump ayaa Maraakiibta Shidaalka xambaarsan ee ku xayiran Marinka Hormuz ku amray in ay si qasab ah u maraan Marinkaas, isku dayo kooban oo ay sameeyeen qaarkood waala gubay maadaama ay beegsadeen ciidanka ilaalada kacaanka.
Hay’adaha ka shaqeeya amniga badaha ayaa dhowaan soosaaray digniin ku saabsan in Maraakiibta shidaalka wadda ay dansadaan qalabka lagala xiriira si aanay Iiraan ula socona dhaqdhaqaaqooda balse arrintaasi ay halis ku tahay qudhooda.







