Isniin 14, Sab 2026 {CBB}–Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ka billowday tababar ay siinayso Ciidan Deegaan ah si ay u garab istaagaan Ciidamada Xoogga Dalka oo isu diyaarinaya in ay askarta AUSSOM kala wareegaan mas’uuliyadda Amniga.
Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dhallinyaradaan Deegaanka ay u caaboon yihiin kamid noqoshada ciidamada sidaas awgeed loo tababarayo sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen sugidda Amniga Deegaannadooda.
Waajid oo ah Magaalo Istaraatiiji ah waxaa lagu diyaariyay Ciidan deegaan oo ka hoos shaqeeya kuwa ammaanka ee Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed si aanay gacanta Magaaladaas uga bixin sida hadalka loo dhigay.
Deegaanno hoostaga Degmada Waajid ayaa la sheegay in ay dhaqdhaqaaq ciidan kawadaan AS waana tan keentay in xoogga la saaro tababarka iyo qalabaynta dhallinyarada deegaanka ah si ay uga hortagaan weerarrada ka imaanaya AS







