Home WARARKA MAANTA Dibadbax ka dhan ah qiima kororka shidaalka oo ka dhacay Suuriya

Dibadbax ka dhan ah qiima kororka shidaalka oo ka dhacay Suuriya

1
0

Isniin 14, Sab 2026 {CBB}–Dalka Suuriya waxaa ka dhacay dibadbaxyo waa weyn oo isu baddelay kuwo rabshado wata kaddib markii Dadkaan bannaanbaxaya ay cabasho ka keeneen qiimaha Shidaalka oo kor u sii kacay iyada oo xaaladda nolosha uu saamayn taban ku reebay.

Magaalooyin badan oo Suuriya ah waxaa isku dhacay Dadka bannaanbaxayay iyo Ciidamada Ammaanka kuwaas oo madaxa isla galay, waxaana la gubay taayiro halka ciidamadu ay adeegsadeen Gaaska dadka ilinta ka keena & Gaadiidka dab damiska ah.

Qiimaha Shidaalka ayaa kor u kacay 40% halka Basiinka uu isna cirka galay kuna darsoontay 28% waana xaddi qiima koror degdeg ah oo saameeyay nolosha Dadka Suuriyaanka ah iyaga oo ugu dambayn ku dhaqaaqay dibadbax cadaadis Dowladda lagu saarayo.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Suuriya ayaa isku dayay in ay Dadka ku qanciyaan inay is dejiyaan iyaga oo u sheegay in qiima korarkaan uu yahay mid kumeel-gaar ah oo sabab looga dhigay kharashka ku yimid helista Shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here