Home WARARKA MAANTA Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo berri ka shiraya Arrimo ay kamid tahay...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo berri ka shiraya Arrimo ay kamid tahay Soomaaliya

1
0

Isniin 14, Sab 2026 {CBB}–Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa berri ku kulmaya Jamhuuriyadda Jabuuti iyaga oo kawada hadlaya xaaladaha Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo dhacdooyinka kusoo kordhay qaaraddaan.

Meelaha diiradda laga saarayo Arrimaha Soomaaliya waxaa kamid ah tarab istaagga Dowladda Federaalka, la dagaalanka AS, Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo Siyaasadda sida ay ku warrameen ilo ku dhow kulankaan.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee dejiya siyaasadda iyada oo ugu dambayn loo gudbin doonno Madaxda Dalalka ku midaysan ururkaan, sidaasina lagu soosaarayo warmurtiyeedka kulamadaas dhacay.

Dalka Uganda ayaa dhowaan ku dhawaaqay go’aan ku saabsan in sannadka 2027 uu ciidamadiisa ka saari doonno Soomaaliya, waxaana jira warar kale oo sheegaya in ay jiraan Dowlado ciidamadooda dalka kala baxaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here