Home WARARKA MAANTA Shaki weyn oo ka dhashay sababta Xisbiga Towfiiq looga reebay doorashada ku-celiska...

Shaki weyn oo ka dhashay sababta Xisbiga Towfiiq looga reebay doorashada ku-celiska ah ee Galmudug

1
0

Isniin 14, Sab 2026 {CBB}–Shaki iyo su’aalo siyaasadeed ayaa ka dhashay go’aanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) uu Xisbiga Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, uga reebay liiska xisbiyada loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashada ku-celiska ah ee Golaha Deegaanka Galmudug.

Guddiga ayaa soo saaray liis ka kooban 12 xisbi oo loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo 30-ka Sebteembar 2026, hase yeeshee Xisbiga Towfiiq kama muuqdo liiskaasi.

Go’aanka Guddiga ayaa yimid laba maalmood kadib markii Xisbiga Towfiiq uu soo saaray war-saxaafadeed uu walaac kaga muujiyay habka loo maamulayo doorashada, isagoo Guddiga ka dalbaday in dib loo eego habraacyada iyo diyaar-garowga doorashada.

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale ku baaqay in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah, cadaalad iyo hufnaan leh, si dhammaan dhinacyada siyaasadda ay u helaan fursad siman.

Arrintan ayaa sii xoojinaysa su’aalaha laga qabo sababta rasmiga ah ee Xisbiga Towfiiq looga reebay tartanka, maadaama war-saxaafadeedka Guddiga ee liiska xisbiyada la oggolaaday aanu si faahfaahsan u sheegin sababta Towfiiq looga saaray.

Doorashadii hore ee Golaha Deegaanka Galmudug oo natiijadeeda markii dambe la laalay, Xisbiga Towfiiq wuxuu sheegay inuu ka helay 12 xildhibaan, hase yeeshee uu diiday natiijadii doorashadaas, taasoo ugu dambeyn gaartay heer maxkamadeed.

Ka maqnaanshaha Xisbiga Towfiiq ee liiska cusub ayaa sidaas darteed dib u soo nooleyn kara khilaafkii siyaasadeed ee hareeyay doorashadii hore, gaar ahaan iyadoo doorashada ku-celiska ah ay ka harsan yihiin waqti kooban.

Dhanka kale, Xisbiga Towfiiq weli wuxuu dalbanayaa in geeddi-socodka doorashada loo maro habraac cad oo la isku raacsan yahay, halka Guddiga Doorashooyinka laga sugayo inuu caddeeyo sababta sharciyeed ee keentay in xisbiga Sheekh Shaakir uusan ka mid noqon 12-ka xisbi ee loo oggolaaday tartanka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli horey loo soo maray muranno la xiriira madax-bannaanida iyo dhexdhexaadnimada Guddiga Doorashooyinka, iyadoo Urur Siyaasadeedka Qaransoor uu bishii Luulyo ku eedeeyay Guddiga inuu si aan caddaalad ahayn uga reebay hannaanka doorashada.

Sidaas darteed, su’aasha ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah: Maxay tahay sababta rasmiga ah ee Xisbiga Towfiiq looga reebay doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, iyadoo doorashadii hore uu xisbigaasi door muuqda ku lahaa?

Haddii Guddiga uusan si cad uga jawaabin arrintan, waxaa suuragal ah in go’aankaasi uu horseedo muran siyaasadeed oo cusub, isla markaana uu saameyn ku yeesho kalsoonida laga qabo hannaanka doorashada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here