Isniin 14, Sab 2026 {CBB}–Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo dhowaan xilka safiirnimo ee Muqdisho laga beddelay, ayaa fariin macsalaamayn ah u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay nabad, barwaaqo iyo horumar.
Alper Aktaş ayaa sheegay inuu xilka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya hayay tan iyo bishii Maarso 2024, muddadaasna uu si dhow uga shaqeeyay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha bani’aadantinimada, siyaasadda iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Safiirka ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo garab istaagga ay u muujiyeen muddadii uu dalka ka shaqeynayay, isagoo sheegay in waxyaabihii uu Soomaaliya ku arkay iyo waayo-aragnimadii uu ka helay aysan ka go’i doonin xusuustiisa.
Wuxuu sidoo kale sheegay in muddadii uu xilka hayay ay Soomaaliya iyo Turkiga ka wada shaqeeyeen arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin gargaarka bani’aadantinimo, siyaasadda, amniga iyo mashaariicda horumarineed.
Mid kamid ah arrimaha waaweyn ee xilligii uu safiirka ahaa socday ayaa ahaa iskaashiga dhinaca shidaalka, iyadoo baarista iyo howlaha la xiriira shidaalka Soomaaliya ay gaareen heerar muhiim ah.
Alper Aktaş ayaa xusay in Dowladda Turkiga ay garab istaag buuxa u muujisay Soomaaliya, isaga oo ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu fududeeyeen gudashada waajibaadkii shaqo ee dowladda Turkiga u igmatay.
Ugu dambeyn, Safiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray salaan macsalaamayn ah, isagoo u rajeeyay in Soomaaliya ay gaarto nabad, barwaaqo, horumar iyo mustaqbal wanaagsan.







