Isniin 14, Sab 2026 {CBB}–Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay ninkii lagu eedeeyay dilka, Alle ha u naxariistee, Jamaal oo ahaa wiil dhallinyaro ah, kaas oo xalay lagu dilay magaalada Baydhabo.
Ninka ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday kadib markii uu dilka geystay, hase yeeshee ciidamada amniga Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay soo qabtaan.
Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisay in ninka lagu eedeeyay dilka uu hadda ku jiro gacanta ciidamada, waxaana la sheegay in loo gudbin doono laamaha cadaaladda si loo mariyo sharciga.
Jamaal ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah oo rajo weyn ka qabay nolosha, balse noloshiisa waxaa soo afjaray falka dilka ah ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo.
Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa horey u ballanqaaday in aan la oggolaan doonin in qof shacab ah la dilo ama dulmi loo geysto, isagoo carrabka ku adkeeyay in la dhowri doono amniga iyo xuquuqda dadka.
Qabashada ninka lagu eedeeyay dilka ayaa imaanaysa iyadoo bulshada Baydhabo ay si weyn uga walaacsan yihiin dhacdadan, waxaana hadda indhaha lagu hayaa tallaabada ay laamaha cadaaladdu ka qaadi doonaan eedeysanaha.







