Isniin 14, Sab 2026 {CBB}–Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka u gudibsay sharciga xeerka difaaca Dalka oo arrimo badan ay hoostagayaan, waxaana su’aalo laga weydiiyay Wasiiru Dowle Cumar Cali Cabdi.
Xildhibaannada qaarkood ayaa dalbaday in ay u baahan yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi si ay su’aalaha ay sharcigaan ka qabaan uga weydiiyaan waa sida ay ku doodeen Xildhibaannadaas.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi oo ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo la xiriira sharcigaas isaga oo difaacay xeerkaas.
Cumar ayaa sheegay in sharciga uu Ciidamada ka reebayo in loo adeegsado siyaasad gaar ah iyo in ay ku milmaan arrimaha siyaasadeed sidaas awgeed haddii uu dhaqangalana ay ka reebtoomayaan ku milanka siyaasadda sida uu hadalka u dhigay.
Arrimaha Mushaarka ayuu soo hadal qaaday waxaana uu tilmaamay in uusan jirin askari katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo aan mushaar qaadan, waxaana dhan kale uu carrabka ku dhuftay qorshaha lagu dhisayo ciidamada noqonaya kuwa kaydka.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed haddii laga helo hal askari oo aan mushaar qaadan aniga ayaa la iweydiinaa oo la igula xisaabtamaa” Sidaasi waxaa yiri Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi.
Xildhibaan Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa dhaliilay habka dallacsiinta ciidamada iyo saraakiisha, waxa uu xusay in arrintaas loo baahan yahay in lagu dhex saxo sharciga Wasaaradda Gaashaandhigga ay soo diyaarisay.







