Home WARARKA MAANTA Sawiro Baydhabo: Banaanbax Lagu Taageerayo Garab-istaagga Turkiga oo Lagu Qabtay Garoonka Dr....

Sawiro Baydhabo: Banaanbax Lagu Taageerayo Garab-istaagga Turkiga oo Lagu Qabtay Garoonka Dr. Ayuub

1
0

Talaado 15, Sab 2026 {CBB}–Baydhabo – Wasiirro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Baay, Maamulka Degmada Baydhabo iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaalada ayaa maanta ka qeybgalay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay garab-istaagga iyo taageerada Dowladda iyo shacabka Turkiga ay u muujiyaan Soomaaliya.

Banaanbaxa oo lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay sida ay ugu mahadcelinayaan xiriirka iyo taageerada Turkiga uu si joogto ah ugu fidiyo Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii ka qeybgalay banaanbaxa ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u qadarinayaan taageerada Turkiga, gaar ahaan dadaallada la xiriira arrimaha bulshada, horumarinta adeegyada iyo taageerada dhinacyada kala duwan ee dalka.

Shacabka Baydhabo ayaa sidoo kale muujiyay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan iskaashi, walaaltinimo iyo xiriir taariikhi ah, iyagoo soo dhaweeyay garab-istaagga Dowladda Turkiga.

Banaanbaxa ayaa kusoo dhammaaday jawi nabadeed, iyadoo ka qeybgalayaashu ay mar kale caddeeyeen taageerada ay u hayaan xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here