Home WARARKA CAALAMKA Dowladda Suuriya oo billowday in ay tababarto Haweenka ku biiraya Ciidamada Ammaanka

Dowladda Suuriya oo billowday in ay tababarto Haweenka ku biiraya Ciidamada Ammaanka

1
0

Talaado 15, Sab 2026 {CBB}–Dowladda Suuriya ayaa billowday in ay Tababarto Haweenka kamid noqonaya Ciidamada Ammaanka ee Dalkaas gaar ahaan Booliiska hubka sita, arrintaan ayaa noqotay fursad albaabada u furtay Dumar badan oo doonayay in ay ciidamada galaan.

Muuqaallo uu baahiyay Al-Carabiya ayaa lagu Arkayay Haween xiran dharka Ciidamada Booliiska oo wata hub nooca fudud gaar ahaan AK47 kuwaas oo dhoollatus samaynaya waxaana arrintaas ay dhalisay hadal hayn Bulshada dhexdeeda ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa horay u sheegtay in la samaynayo waax hoostagta Booliiska oo qaabilsan dhinaca Dalxiiska sidaas awgeed la furay machad gaar ah oo Haweenkaas lagu tababaro sida bayaanka lagu xusay.

Ciidamada Suuriya ee horseeday isbaddelkii dalkaas looga saaray Maamulkii ay isaga kala dambeeyay Wiilka iyo Aabihiis waa qoyska reer Asad waxaa xirnaa doorka Haweenka ee kamid noqoshada Ciidanka Amniga Dalkaas sugaya.

Inkasta oo uu jiro heshiis horay u dhexmaray Ciidamada Kurdiyiinta ah ee haweenka u badan iyo Dowladda hadda Maamusha Suuriya waana tan keentay in dhinacyo kala duwan laga fiiyo ciidamadaas dumarka u badan ee halganka adag soo galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here