Sabtii 19, Sab 2026 {CBB}–Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Jimcihii soo saaray bayaan si weyn uga hor imanaya sheegashadii ay Puntland Khamiistii ka sameysay howlgal lagu beegsaday kayd hub oo Al-Shabaab ku lahayd gobolka Sanaag.Puntland ayaa 17-kii September sheegtay in howlgalka ka dhacay buuraha Golis ee deegaanka Cal-Madow lagu fuliyey iskaashi iyo isku-duwid dhexmartay hay’adaha maamulka Puntland iyo dowladda Mareykanka.
Bayaanka Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday goob lagu magacaabo Markad, halkaas oo Al-Shabaab ay ku kaydinaysay hub iyo rasaas ay u adeegsanaysay howlgalladeeda.
“Dowladda Puntland iyo Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyey guusha hawlgalka la-dagaallanka argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.
Hase yeeshee, AFRICOM ayaa 18-kii September soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku caddeysay in howlgalka lagu fuliyey isku-duwid lala yeeshay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aan wax xusid ah ka sameyn Puntland.
“Anagoo la shaqeyneyna Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu 17-kii September 2026 fuliyey weerar lagu beegsaday bakhaar lagu kaydinayey hubka caadiga ah ee Al-Shabaab oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.
AFRICOM ayaa intaas ku dartay in weerarku ka dhacay gobolka Sanaag, meel qiyaastii 80 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.
Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala shaqeynayo tallaabooyin lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab iyo khatarta ay ku hayso ciidamada iyo muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda.
Bayaanka AFRICOM ayaa sidaas ku meesha ka saaray sawirkii ka dhashay hadalkii Puntland ee ahaa in howlgalka uu ahaa mid ay si gaar ah isaga kaashadeen maamulkaas iyo dowladda Mareykanka.
Inkastoo AFRICOM aysan si toos ah u sheegin in Puntland aysan wax door ah ku lahayn howlgalka, haddana cidda ay sheegtay in weerarka lala isku dubbariday waxay si cad ugu koobtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn, maadaama bayaankii Puntland uu markii hore abuuray su’aalo ku saabsan in Mareykanku howlgal amni si toos ah la fuliyey maamul-goboleed, isagoo dhinac maraya dowladda dhexe.
Labada bayaan waxay isku waafaqeen goobta iyo bartilmaameedka weerarka, balse waxay si weyn ugu kala duwan yihiin cidda Mareykanku sheegay inuu la kaashaday howlgalka.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa toddobaadyo kadib markii Puntland ay sheegtay inay Mareykanka la gashay heshiis amni oo lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac iyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Boosaaso.
Horaantii August, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Boosaaso kula kulmay wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Major General Claude Tudor, iyadoo Puntland ay sheegtay in labada dhinac ay gaareen heshiis ku saabsan ballaarinta iskaashiga amniga iyo xarunta Mareykanka ee Boosaaso.
Dabayaaqadii August, Deni ayaa mar kale Boosaaso kula kulmay saraakiil sare oo Mareykan ah oo uu hoggaaminayey Colonel James Rose, oo ah taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Bariga Afrika.
Sida ay markaas sheegtay Madaxtooyada Puntland, kulanka waxaa looga hadlay dardargelinta qorshaha saldhigga Mareykanka ee Boosaaso, iskaashiga howlgallada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab ee Calmiskaad iyo Cal-Madow, amniga badaha iyo tababarrada ciidamada Puntland.
Sidaas darteed, bayaanka cusub ee AFRICOM ayaa keenaya su’aalo ku saabsan heerka iyo qaabka uu Mareykanku ula shaqeynayo Puntland, gaar ahaan marka la eego in Puntland ay dhowaan sheegatay heshiis amni oo toos ah, halka AFRICOM marka uu ka hadlay howlgalka 17-ka September uu si rasmi ah u magacaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya.







