Isnin 21, Sab 2026 {CBB}–Kooxo u midoobay in ay xukunka ka tuuraan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in ay midoobeen iyaga oo sheegay in ay ka shaqayn doonnaan sidii loosoo afjari lahaa damaca Hoggaamiyaha xiligaan Itoobiya maamula.
Ururka ONLF ee Soomaali Galbeed ayaa kamid ah kooxahaan doonaya in ay xukunka ka tuuraan Ra’iisul Wasaaraha Waqtiga dheer haysta Itoobiya, Abiy Ahmed oo hadda wax ka baddel ku sameeyay Dastuurka Dalkaas isaga oo doonaya in uu Madaxweyne noqdo.
Xubnaha kale ee Isbahaysigaan kamidka ah waxaa kamid ah FANO, TPLF, OLA, UGUGUMO, BENISHANGUL iyo GUMUZ, waxaana ay ku ballameen in isbahaysigooda uu xoogga saaro sidii xukunka looga dhigi lahaa Abiy Ahmed.
Tallaabada ugu horraysa waa in ay ka shaqeeyaan dhismaha Dowlad kumeel-gaar ah oo dhinac socota Xukuumadda Abiy Ahmed iyada oo siyaasad ahaan dhankaas laga soo galayo wixii harayna ay ka tashan doonnaan xubnaha Isbahaysiga ah.
Abiy Ahmed oo is lahaysiiyay xukunka Itoobiya ayaa qaadday Tallaabooyin uu wax uga baddelay Dastuurka Dalkiisa, waxaana uu doonayaa in uu awoodda Ra’iisul Wasaaraha u baddeliyo mid uu leeyahay Madaxweynaha si uu isaga xilkaas u qabto.







