Axad 20, Sab 2026 {CBB}–Baydhabo: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El-Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cimilada, saadaasha roobabka El-Niño iyo tallaabooyinka ay Koonfur Galbeed qaadeyso si loo xoojiyo diyaar-garowga iyo ka jawaabidda saameynta roobabka iyo fatahaadaha ay ku yeelan karaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Guddiga ayaa Hoggaamiyaha warbixin ka siiyey qorshayaasha diyaar-garowga, dadaallada wacyigelinta bulshada, kaydinta raashinka iyo dawooyinka, iyo sidoo kale isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta samafalka ee ka howlgala arrimaha bani’aadannimada.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa faray Guddiga in la dardargeliyo qorshayaasha ka hortagga iyo u diyaar-garowga saameynta El-Niño, si loo yareeyo khataraha fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhalan kara roobabka xooggan, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadinta nafta iyo hantida shacabka.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xoojinaysa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, maamulka degmooyinka, bulshada deegaanka iyo hay’adaha samafalka, si loo helo jawaab mideysan oo degdeg ah haddii ay dhacaan fatahaado ama xaalado bani’aadannimo oo ka dhasha roobabka El-Niño.








