Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha koonfur galbeed oo Booqday Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Sawiro;-Hoggaamiyaha koonfur galbeed oo Booqday Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

2
0

Axad 20, Sab 2026 {CBB}–Baydhabo: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Xarunta Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha ayaa waxaa xarunta si diirran ugu soo dhaweeyey saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo uu hoggaaminayey Taliyaha Qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Isaaq Berdaale.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay saraakiisha Qeybta 60-aad, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga, howlaha ay ciidamadu wadaan iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 60-aad ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan gudashada waajibaadkooda qaran, sugidda amniga iyo ilaalinta badqabka shacabka.

Booqashada shaqo ee Hoggaamiyaha  Koonfur Galbeed waxaa ku wehliyey Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed iyo ciidamada dowladda ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here