Home WARARKA MAANTA Sheekh Ibraahim bin Caadil Al-Madani oo kamid ahaa Mu’adimiinta Xaramka oo geeriyooday

Sheekh Ibraahim bin Caadil Al-Madani oo kamid ahaa Mu’adimiinta Xaramka oo geeriyooday

3
0

Isnin 21, Sab 2026 {CBB}–Allaha u naxariistee Sheekh Ibraahim bin Caadil Al-Madani oo kamid ahaa Mu’adimiinta Xaramka ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday isaga oo jiray 51 sano waxaana ka tacsiyaysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Marxuum Sheekh Ibraahim waxa uu kamid ahaa 24ka Mu’adim ee 6 kamid ah maalin weliba ka aadaama Masjidka Xaramka, waxaana inta badan uu aadaami jiray Salaadda Subax sida ay ku warrameen dad aqoon u lahaa.

Masjidka Xaramka waxa ay mu’adimiinta ugu kala aadaamaan maalin weliba aadaanka salaadda Subax kahor, kan fajarka, Duhurka, Casirka, Maqribka iyo Cishaha iyaga oo mu’adimiinta iyo Culimada Salaadda tujisa ay jadwal ku qoran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here