Arbaco 23, Sab 2026 {CBB}–Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta la horgeeyay ajande ku saabsan qaraarkii ku saabsanaa Agaasime Waaxeedyada Dowladda ee kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa u codeeyay in ajandahaas lagu daro fadhiga.
Guddoomiye Abshirow ayaa codayn kaddib waxa uu Xildhibaannada markale hordhigay in ay u codeeyaan qaraarkaas si loo waafajiyo Dastuurka dib u hagaajinta lagu sameeyay Dalka ee 2026 uu u codeeyay Baarlamanaka Federaalka.
Codayn kaddib waxaa qaraarkaan in la laalo u codeeyay 136 Xildhibaan, waxaa diiday 2 Mudane halka ay ka aamuseen 2 Xildhibaan sidaasi ayaana dib loogu celiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Waxa uu Abshirow dalbaday in qaraarkaan quseeya Agaasime waaxeedyada Dowladda lala kaashado khubarro iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka si loo waafajiyo qodobada muhiimka ah sida uu hadalka u dhigay.
“Qaraarka ku saabsan Agaasime waaxeedyada Dowladda ee Rayidka ah waxa uu u muuqdaa in Hay’adda fulinta ay ku degdegtay sidaas awgeed waxaa diiday 136 Xildhibaan, 2 ayaa ka aamustay halka qaraarkaas ay taageereen 2 Mudane sidaas awgeed waala laalay qaraarka.” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow.
Dhanka kale Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa uga digay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda in ay qaadaan tillaabo ka hor imaaneysa Madaxbannaanida, Awoodaha iyo Nidaamka Sharciyeed ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.
Xafiiska ayaa ku dooday in Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda uu si buuxda u hdowro Madaxbannaanida Dastuuriga ah ee Xafiiskaan isla markaana tallaabo kasta, go’aan kasta ama habraac kasta oo khuseeya xafiiska lagu saleeyo Dastuurka JFS iyo Shuruucda kale ee lagu dhsiay laguna nidaamiyo Xafiiskaas.







