Khamiis 24, Sab 2026 {CBB}–Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay xiriir diblomaasiyadeed rasmi ah la sameysatay Dominican Republic, oo ku taalla Jasiiradda Hispaniola ee gobolka Caribbean-ka, isla markaasna daris la ah dalka Haiti.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dominican Republic, Roberto Álvarez, ayaa magaalada New York ku kala saxiixday heshiiska lagu aas-aasayo xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo u dhexeeya labada dal.
Heshiiskan ayaa Soomaaliya u furaya xiriir diblomaasiyadeed oo cusub oo ay la yeelato dal ku yaalla gobolka Caribbean-ka, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirradeeda iyo iskaashigeeda dalalka Latin America iyo Caribbean-ka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dominican Republic ayaa ka mid ah dalalka Caribbean-ka, waxaana dhaqaalihiisa door weyn ku leh dalxiiska, adeegyada iyo ganacsiga.







