Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu maanta khudbad ka jeediyo Shirka...

MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu maanta khudbad ka jeediyo Shirka QM

1
0

Khamiis 24, Sab 2026 {CBB}–Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad ka jeediyo fadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ka hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa diiradda ku saari doona horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo Doorashadii qof iyo codka aheyd ee dhawaan ka qabsoontay dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu madasha Golaha Guud ku soo bandhigo guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka AS iyo u diyaar garowga la wareegida mas’uuliyadda Amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa lagu wadaa in ay ku jiraan qoddobo lagu adkeynayo Madaxbannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si looga fogaado
Hadal jeedinta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadeysa xilli dalka ku jiro xaalad siyaasadeed, iyadoo Dowladda iyo Mucaaradka loogu baaqayo in ay heshiis rasmi ah ka gaaraan Khilaafka la xiriira Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here