Khamiis 24, Sab 2026 {CBB}–Wasiirka Howlaha Guud ee XFS, Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay inuusan suuragal noqon karin qorshe kasta oo lagu kala qeybinayo dalka.
Wasiirka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in intii ay socdeen kulamada dhinacyada kala duwan ee madaxda iyo wakiillada ka qeybgalaya Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ay kala hadleen arrimo la xiriira midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
“Lama qaybin karo dalka Soomaaliya iyo dadkiisa, inta aan ku suganahay shirka QM guud ahaan Wakiilada iyo Diblumaasiyiinta waxaa ay adkeeyeen Midnimada iyo Madaxbannaanida JFS” ayuu yiri Wasiir Ayuub.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafiyay bannaanbax la sheegay in ay Madaxda Maamulka Waqooyi Galbeed ka sameeyeen bannaanka dhismaha Qaramada Midoobay.
Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka oo uu ka socdo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa halkaasi ku sugan Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo uu kamid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.







