Khamiis 24, Sab 2026 {CBB}–Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyey warqad rasmi ah oo uu kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, amniga iyo xaaladda doorashooyinka.
Warqadda ayaa Puntland ku sheegtay in khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada uu gaaray heer halis ah, iyadoo ka digtay in haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin ay xaaladdu horseedi karto kala fogaansho dheeraad ah iyo xitaa dhismaha maamul kale oo ka hanaqaada Muqdisho.
Puntland waxay sidoo kale sheegtay inay wajahayo cadaadis gudaha ah oo ay ku tilmaantay in qaybo badan oo shacabka ah ay doonayaan madax-bannaani buuxda oo ay uga go’aan dowladda dhexe, iyadoo arrintaas ku xirtay waxa ay ku tilmaantay fashilka geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamayay. Sheegashadaas warqadda laguma lifaaqin cod-bixin ama xog madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo baaxadda taageerada madax-bannaanida.
Dhanka kale, Puntland waxay Golaha Ammaanka uga cabatay waxa ay ku tilmaantay faragelin ay Dowladda Federaalka ka waddo deegaanadeeda, iyadoo si gaar ah u xustay hub iyo qalab militari oo ay sheegtay in diyaarad lagu geeyay koonfurta Gaalkacyo, kadibna loo sii gudbiyey waqooyiga magaalada.
Puntland waxay sidoo kale Golaha Ammaanka ka dalbatay in dib loo eego xayiraadaha hubka iyo in la xoojiyo doorka caalamka ee la xiriira khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxay soo jeedisay lix qodob oo ay ka mid yihiin wada-hadal siyaasadeed oo degdeg ah, xiriir toos ah oo lala yeesho dowlad-goboleedyada, dib u soo celinta guddigii khubarada iyo kordhinta waajibaadka UNTMIS.
Dhinaca amniga, Puntland waxay sheegtay in ciidamadeedu muddo ku dhow laba sano dagaal kula jireen Daacish ee buuraha Cal-miskaad, iyadoo sheegtay inaanay ka helin dowladda dhexe taageero ciidan, dhaqaale iyo qalab.
Waxay sidoo kale ka digtay soo laabashada burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in sanadkan la diiwaangeliyey 19 dhacdo, ayna jiraan maraakiib ay kooxaha burcad-badeeddu weli haystaan.
Puntland waxay Golaha Ammaanka ka codsatay in dib loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka burcad-badeednimada, gaar ahaan iyadoo la taageerayo ciidamada badda iyo kuwa dhulka ee Puntland.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu soo qaaday duqeymo ay Puntland sheegtay inay ciidamada Turkigu ka fuliyeen xeebaha Jiifle iyo Garmaal ee gobolka Nugaal 18 iyo 20 Agoosto, kuwaas oo ay sheegtay in lagu dilay 14 Soomaali ah, laguna burburiyey doonyo kalluumeysi.
Sidoo kale, Puntland waxay Golaha Ammaanka u gudbisay walaac ku saabsan duqeyn diyaarado aan duuliye lahayn oo ay sheegtay inay 3-dii Sebtembar ka dhacday Doolow, iyadoo ku baaqday in la baaro adeegsiga awoodda cirka iyo hubka ay bixiyaan saaxiibbada caalamiga ah haddii loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.
Puntland ayaa warqaddeeda ku adkaysay inay weli ka go’an tahay Soomaaliya federaal ah oo xasilloon, nabad ah oo dimuqraadi ah, iyadoo xalka khilaafka siyaasadeed ku tilmaantay wada-hadal iyo heshiis loo dhan yahay.







