Khamiis 24, Sab 2026 {CBB}–Baydhabo: Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalay, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay diyaar-garowga iyo wacyigelinta bulshada ee khatarta fatahaadaha ka dhalan kara xaaladaha cimilada ee Al-Niño.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye-ku-xigeennada Degmada Baydhabo, Guddoomiyeyaasha degmooyinka xaafadaha iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Dowladda Hoose.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay qorshayaasha loogu diyaar garoobayo fatahaadaha, wacyigelinta bulshada iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta ay fatahaaduhu ku yeelan karaan dadka ku nool magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla soo qaaday xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Hoose, maamulka xaafadaha iyo bulshada, si loo kordhiyo diyaar-garowga loogana hortago khataraha ka dhalan kara fatahaadaha.
Baaq loo diray bulshada
Maamulka Degmada Baydhabo ayaa bulshada ugu baaqay inay qaataan taxaddarrada lagama maarmaanka ah, ayna si dhow ula socdaan digniinaha iyo tilmaamaha ay soo saaraan hay’adaha ay khuseyso.
Sidoo kale, bulshada waxaa lagu boorriyay inay ka fogaadaan goobaha halista ah, isla markaana maamulka degmada ay la wadaagaan wixii khatar ah ama xaalado degdeg ah ee la xiriira fatahaadaha.








