Khamiis 1 Octber 2026 {CBB}Donald Trump ayaa sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isla markaana ay ka wada hadleen dhacdadii diyaaradda Flydubai.
Trump ayaa Arbacadii sheegay in Netanyahu uu uga warramay wixii dhacay iyo dadaalladii rakaabka diyaaradda ay ku doonayeen in ay xaaladda xakameeyaan.
“Waxaan u malaynayaa in ay tahay dhacdo aan la rumaysan karin. Waxay u muuqataa in ku-xigeenka duuliyuhu uu ahaa argagixiso ama laga yaabee qof waalan,” ayuu Trump yidhi.
Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay ku-xigeenka duuliyaha ee lagu weeraray dhacdada in uu ahaa nin geesi ah.“







