Home WARARKA CAALAMKA Netanyahu oo ka caga-jiidaya doorashada lagu qasbayo in uu waqtigeeda ku qabto

Netanyahu oo ka caga-jiidaya doorashada lagu qasbayo in uu waqtigeeda ku qabto

2
0

Sabtii 3 October 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa lagu eedeeyay in uu ka caga-jiidayo doorashada lagu wado in 27ka Bishaan ay ka dhacdo deegaannada maamulkiisa uu xoogga ku haysto iyada oo ay jiraan xubno culays xooggan ku haya.

Netanyahu ayaa diiday dalabaad kala duwan sida in uu dib usoo celiyo heshiiskii xabbad-joojinta, maxaabiis is dhaafsiga iyo in guud ahaan lasoo afjaro colaadda Bariga Dhexe si Dadka codaynaya ay nabadgalyo doorashada ugu dareeraan.

Warbaahinta Israa’iil ayaa labo garab u kala jabtay, qayb waxa ay la safatay Benjamin Netanyahu halka qaybta kale ay doonayso isbaddel dhaca isla markaana xukunka uu gacanta u galo mucaaradka sida ay ku doodeen.

Arbacada todobaadkaan oo ah 7da October waxaa saddex sano u buuxsamaya duullaankii Israa’iil ka yaabiyay ee Xamaas ku gashay deegaanno ay Yuhuudda si xooggan u adkaysay amnigooda iyada oo si toos ah loosoo qafaashay Maxaabiis.

Wixii xiligaas ka dambeeyay waxa ay Israa’iil qaadday dagaallo badan iyo weerarro gaadmo ah oo ay ka fulisay qaar kamid ah Dalalka Bariga Dhexe iyada oo arrintaas ka dhaxashay in colaaddu kusoo badato isla markaana awooddii ay ku faanaysay hoos u dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here