Sabtii 3 October 2026 {CBB}Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Gobaledka Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha Wasiirradu ay qiimeeyeen dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale si qoto dheer uga hadlay gogosha iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo wada-hadal loo dhan yahay, is-afgarad siyaasadeed iyo bulsho, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hannaan nabadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo is-qancin.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in nabadgelyada, midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiintu ay yihiin tiirarka aas-aaska u ah horumarka iyo xasilloonida Koonfur Galbeed.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo bulshada, lagu xoojinayo dowladnimada iyo lagu abuurayo jawi amni iyo xasillooni oo horseeda horumar waara.








