Isniin 5 Oct 2026 {CBB}Maraykanka ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta in uu dalka Ingiriiska kala baxo 12 kamid ah diyaaradihiisa dagaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaan B-1 ee duqaymaha fogfog fulin kara sidoo kalena awooda in ay hub culus qaadaan.
Diyaaradahaan ayaa yaallay Saldhigga Maraykanka uu ku leeyahay RAF Fairford mana jirto faahfaahin laga bixiyay sababta keentay go’aankaan maadaama aanay weli si dhammaystiran usoo idlaan dagaalka dalkaas kala dhaxeeya Iiraan.
Ilaha qaarkood ayaa ku dooday in Maraykanka uu dareemay cabsi la xiriirta in la beegsan karo maadaama falal liddi ku noqon kara ay dhaceen todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana si toos ah diyaaradahaan dib loogu celiyay Maraykanka.
Xukuumadda Washington ayaa billowday qorshe ay ku daadguraynayso diyaarada ay ku faanto kuwaas oo ay u adeegsato weerarrada ay rabto in ay ku cabsi geliso dalalka ay is hayaan inkasta oo Iiraan ay dhowr jeer dhulka soo dhigtay qaar kamid ah Diyaaradaha Maraykanka.
Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa ku faanay in ay weli diyaaradooda leeyihiin awood ay ku fulin karaan weerarrada xitaa iyaga oo jooga gudaha Dalkaas, ma faahfaahin isbaddelka waqti ay ku qaadan karto fulinta weerarradaas fogfog.







