Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb

Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb

2
0

Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Dhuusamareeb: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowladda Galmudug.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada u tegay ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha la doortay ee Dowladda Galmudug, Mudane Liiban Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).

Wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa ku soo dhoweeyey Hoggaamiyaha la doortay ee Galmudug, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashada Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo, midnimada iyo iskaashiga siyaasadeed ee ka dhexeeya dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed.

Munaasabadda caleema-saarka ayaa sidoo kale fursad muhiim ah u ah adkeynta wada-shaqeynta, is-dhexgalka iyo is-qaddarinta hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, si loo sii xoojiyo dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here