Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday ciidamada la wareegay sugidda amniga magaalada Baraawe

Sawiro;-Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday ciidamada la wareegay sugidda amniga magaalada Baraawe

1
0

Sabtii 14 Nov 2026 {CBB}Baraawe: Hoggaamiyaha Gobaleedka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la wareegay mas’uuliyadda xaqiijinta amniga magaalada Baraawe, caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga, ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida shacabka, iyo dhowrista hantida guud iyo tan gaarka ah. Waxa uu sidoo kale ku adkeeyey inay muujiyaan masuuliyad, feejignaan iyo anshax ciidan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta ciidamada amniga iyo bulshada, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo xasillooni ka dhalata magaalada Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa ciidamada ku boorriyey inay ilaaliyaan kalsoonida shacabka, kana shaqeeyaan sidii Baraawe ay u noqon lahayd magaalo amni ah oo bulshadu si nabad ah ugu noolaato, uguna qabsato hawlaheeda nololeed iyo dhaqaale.

Booqashada Hoggaamiyaha waxaa ku wehlinayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here