Axad 15 Dec 2024 {CBB}Shirkan jaraa’id oo ay magaalda baydhabo ku qabteen qaar ka mid ah Odyaasha dhaqanka dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa looga hadlay dhibaato ay sheegeen iney xiligan ka taagan athay deegaanada koonfur galbeed.
Odayaasha ayaa si kulul uga hadlay dad ay sheegeen iney tahriibiyaan dhalinyrada deegaanka waxayna qaylo dhaan ka muujiyeen waxa dhacaya oo ah in la qaldo dhalinyaro wax baranaya oo jooga dhulkooda hooyo.
Shakhsiyaadka dhalinyarada tahriibiya ayey odayasha tilmaameen iney yihiin kuwa ku sugan gudaha magaalada baydhabo waxayna ka gaabsadeen iney magacaabaan.
Hay’adaha amanka dowlad goboleedka koonfur galbeed ayey u direen baaq kala duwan oo ku aadan iney ka hortagaan dhibaatadan soo cusbuunaatay.
Qaylo dhaantan ka soo yeertay qaar ka mid ah waxgaradka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegmaysa xili maalmo ka hor maamulka degmada berdaale ee gobolka bay uu sheegey iney soo qabteen dhalinyaro tahriibiyaal ah oo ku safrayey baabuur ayna ku celiyeen caasimada dalka ee muqdisho.